Home Wararka Caalamka Diyaarad Rakaab Ah Oo Laga Leeyahay Singapore Si Deg-Deg Ah Dhulka U...

Diyaarad Rakaab Ah Oo Laga Leeyahay Singapore Si Deg-Deg Ah Dhulka U Fariisatay

0

Hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines oo ka soo duushay magaalada London ee dalka Ingiriiska kadib markii uu ku dhacay qalqal iyadoo hawada sare ku jirta.

Diyaaradda Boeing 777-300ER oo ku sii jeeday Singapore ayaa loo weeciyay Bangkok waxayna degtay Duulimaadka SQ 321 ayaa siday guud ahaan 211 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah, sida ay shirkaddu warbixin ku sheegtay.”Singapore Airlines waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska marxuumka,” ayay tiri.

Diyaaradda ayaa intaa ku dartay in ay kala shaqeyneyso maamulka Thailand sidii gargaar caafimaad ay u siin lahaayeen rakaabka, waxaana ay koox u direysaa Bangkok si ay u bixiyaan gargaar kasta oo dheeri ah oo loo baahan yahay.

Maamulka Thailand ayaa u diray ambalaasyo iyo kooxaha gurmadka garoonka Suvarnabhumi. Wasiirka gaadiidka ee Singapore Chee Hong Tat ayaa sheegay in dowladdu ay gargaar siin doonto rakaabka iyo qoysaskooda.

“Aad baan uga xumahay in aan ka warhelo shilka diyaaradda Singapore Airlines ee SQ321 oo ka duushay London Heathrow kuna socotay Singapore,” ayuu ku soo qoray qoraal uu soo dhigay Facebook.

Qalalaasaha duullimaadyada oo sii kordhaya marka meeraha uu kululaado – daraasad Wixii ka dhacay diyaaradda ayaan wali kala cadeyn.
Saraakiisha Diyaaradda Singapore ma aysan sheegin sida ay dhimashada iyo dhaawaca u soo gaareen rakaabka,balse qof rakaab ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dhibaatadu ay soo gaartay rakaabka aan xirneyn suunka kuwaasoo madaxyada ku garaacay qeybta kore ee diyaarada.

Ad
Previous articleQaramada Midoobe Oo Qaaday Talaabo Uga Sii Dari Karta Xaaladda Magaalada Rafax
Next articleCiidamada Al-Shabaab oo Dhankooda ayagana magacaabay taliye cusub