Home Wararka Somaliya Galmudug Diyaarad Maantay ka dagi Lahayd Garoonka Caabudwaaq oo Cabsi Darteed La Baajiyay

Diyaarad Maantay ka dagi Lahayd Garoonka Caabudwaaq oo Cabsi Darteed La Baajiyay

0

Diyaarad Saakay La Qorshaynaayay inay Ka Dagto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq Ayaa Gabi ahaanba Baaqatay Kadib Markii Laga Cabsaday in Dhulka Lasoo Dhigo.

Beesha Dir ayaana Saakay Markale Ku Hanjabtay Inay Dhulka Soo Dhigayso Diyaaradaas Hadii ay Kasoo Duusho Muqdisho Garoonka Magaalada Caabudwaaq ayaana Maalinkii 7aad U xiran Dagaalka Dhex Maray Mareexaan Iyo Dir ee Degaanka Laandheer.

Dadkii Saakay Usafri lahaa Magaalada Caabudwaaq ayaa Markii ay Garoonka Tageen oo Diyaaradii Qaadi lahayd ay Timid Loo Sheegay inuu Baaqday Safarkii uu ku Tagi lahaayeen Caabudwaaq.

Beesha Dir ayaana Sheegtay Saakay inay Duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Diyaarna U yihiin inay Soo Ridaan Diyaaradii Isku Dayda inay Ka Dagto Garoonkaas.

Waa Markii Ugu Horaysay oo Beesha Dir ay Xoog Ku Xiraan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq Halka Dagaalada Qaraar Ka dhaceen ayaa Caabudwaaq U jirta 20 Km Balse Waxaa Goobta Yaala Qoryaha Lidka Diyaarada Kuwaas oo laga Baqay inay Garaan Rasaasta Lagu Ridi karo.

Beesha Dir ayaana Diidan Ceel ay Damceen  Beesha Marexaan inay Ka qotaan Deegaanka Laisku haysto ee Laandheer Dagaal Maalmo Socday ayaana Ka dhashay Ceelbiyoodkaas Kaas oo Markii Danbe Dagaalka Dartiis Ujoogsaday.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Muqdisho Ka Furmaaya
Next articleWar Cusub oo Kasoo Kordhay Xariga Xildhibaan Abiib oo Wali Xabsi Sharci daraa ku Jira