Home Wararka Caalamka Diyaarad kici rabtay oo sabab yaab leh loo joojiyay.

Diyaarad kici rabtay oo sabab yaab leh loo joojiyay.

0

Duuliyaha kaxeynayay diyaaradda laga leeyahay Turkiga ee shirkadda duulimaadka ee AnadoluJet, ayaa hakad geliyay kaxeynta diyaaraddaasi kaddib markii rakaabka talefoonadooda loogu soo diray sawirro diyaarad burburtay ah.

Rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa la soo dejiyay, ayadoo dib loo baaray gebi ahaanba alaabtii saarnayd. Waxaa arrintan loo soo qabtay oo su’aalo laga weydiiyay dhowr dhalinyaro oo reer Israa’iil ah.

Diyaaradda AnadoluJet Boeing 737,oo ay saarnaayeen 160 rakaab, ayaa kici rabtay markii ay rakaabka ku wargeliyeen shaqaalaha in loo soo diray sawirada diyaarad burbursan, taas ayaana keentay in duuliyaha lagu war geliyo inuu dib ugu laabto tarminaalka garoonkaasi.

Warbaahinta The Hebrew Ynet ayaa ku soo warrantay in sawiradaasi dadka lagula wadaagay AirDrop, dhamaan sawiradana waxaa lagu soo diray telefoonka nooca Iphone.

Rakaabka ayaa lagu war geliyay inay raacaan diyaaraddaasi dib loo baaray oo ku wajahnayd Istanbul, ama inay isaga haraan Israel.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleFaahfaahin Dheeri ah oo Kaso Baxaysa Qarax Ka Dhacay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Next articleSirdoonka Mareykanka: Putin wuxuu soo wadaa dagaal weyn