Home Wararka Maanta Dil Loo Geystey Muwaadin Soomaaliyeed oo Dalka Canada lagu dilay oo dilkiisa...

Dil Loo Geystey Muwaadin Soomaaliyeed oo Dalka Canada lagu dilay oo dilkiisa dad loo qabtay.

0

Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi ay u qabteen labo ruux dil loogu geystey dalka Canada muwaadin asalkiisu ahaa Soomaali.

Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xiray laba eedeysane oo lala xiriirinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka.

Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg.

Dalka Canada ayaa waxaa ka dhaca dilal badankood dadka geysta ay ka baxsadaan cadaalada hase yeeshee qabashada labadan eedeysane ayaa waxaa soo dhaweeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.

Ad
Previous articleUK oo shaacisay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo Weerar Qaraxya ah ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Buula Burde ee gobalka Hiiraan {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here