Home Wararka Maanta Dil argagax lahaa oo ka dhacay Goob uu maanta ku sugnaa Madaxweyne...

Dil argagax lahaa oo ka dhacay Goob uu maanta ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Askari katirsanaa ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa halkaasi lagu toogtay, xilli uu degmadaasi qeybo kamid ah ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida aan xogta ku helnay askarigan oo lagu magacaabayay C/fitaax Bashiir Sheekh Aadan waxaa dilay askari kale oo isna katirsanaa ciidamada Gorgor, kaddib markii askariga la toogtay uu diiday in uu askariga kale siiyo raashin iyo biyo uu cabo xilli bisha Ramadaan lagu jiro.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in xilliga dilka askarigan katirsanaa ciidamada Gorgor uu dhacayay lagu mashquulsanaa soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray degmada Aadan Yabaal.

Labada askari ayaa la sheegay kahor inta uusan dilku dhicin uu dhax maray muran, waxaana goobjoogyaaal sheegeen in askariga dilka geesanaya loo diiday raasjhin iyo cabitaan uu rabay sidaa darteen carro uu qaaday u dilay askariga saaxiibkiis ahaa

Dilka askarigan oo si weyn loo yaqaanay kana mid ahaa ciidamada Turkiga tababaray ayaa argagax ka abuuray xeradii uu ku sugnaa, waxaana dilkan ka argagaxay askarta saaxiibadiis iyo dadkii kale ee yaqaanay.

Ciidamada dowladda ayaa durba gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana lagu wadaa in askarigaasi loo gacan galiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida si ay xukun deg deg ah ugu rido.

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la
Ad
Previous articleDal dadkiisa ay labo waqti oo kala duwan ku kala waabariisteen
Next articleGudoomiye Madaale oo Xalay Ku afuray mid ka mid ah Degmooyinka ugu Amniga Xun Gobalka Banaadir(Sawiro)