Home Wararka Maanta Diblomaasi Israa’iili ah oo banaanka loogga saarey shirka Midowga Afrika

Diblomaasi Israa’iili ah oo banaanka loogga saarey shirka Midowga Afrika

0

Muuqaal laga dheehan karo dublamaasi Israa’iil ah oo lagu magacaabo Sharon Bar-li, oo laga soo galbiyay shirka madaxda Midowga Afrika, ayaa ku dhex wareegaya internetka.

Wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa ku eedeeyay Koonfur Afrika iyo Aljeeriya inay mas’uul ka yihiin dhacdadan.

Muuqaalkan ayaa u muuqda mid muujinaya ilaalo ku soo wajahan wafdiga Israa’iil, xilli ay xafladda furitaanka ay socotay.

Waxaa jirtay dood dhex martay kooxdii ilaalada ahayd iyo Bar-Li, oo ah ku xigeenka aggaasimaha guud ee Israa’iil ee dhanka Afrika, ka dibna waxaa goobtii ka saaray nin ilaalo ah.

“Israa’iil waxay si dhab ah isha ugu haysaa dhacdadii ku xigeenkii Afrika, Ambassador Sharon Bar-Li, loogaga saaray hoolka Midowga Afrika, inkastoo ay ahayd goob-jooge la aqoonsan yahay oo leh maqaan wanaagsan,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Lior Hayat, ayaa waxaa kasoo xigtay wargeyska Times of Israel.

“Waa wax laga xumaado in la arko in Midowga Afrika ay afduubteen dalal yar oo xag-jir ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, oo ay dabada ka riixayso nacayb ayna maamusho Iran,” ayuu yiri Hayat.

“Waa inay caddeeyaan sheegashadooda,” sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay madaxweynaha Koonfur Afrika, oo ay soo xiganayso wakaaladda wararka ee AFP.

Maqaamka Israa’iil ee Midowga Afrika, ayaa dhawaanahan laga doodayay.

Waxay heshay maqaam goob-jooge ah sannadkii 2021-kii, balse go’aankan ayaa la is-weydiiyay, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku booriyeen in dib loo eego, waxaana la sameeyay guddi sannadkii hore soo eega arrintan.

Sanadihii la soo dhaafay, Israa’iil, ayaa waxay rabtay in ay xiriir dhow la sameyso dalalka Afrika.

Horraantii bishaan, madaxweynaha dalka Chad, Mahamat Idriss Deby Itno, ayaa ku sugnaa Israel, si uu safaarad uga furo magaalada Tel Aviv.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleSenator Muuse Suudi Yalaxow oo dalbaday in Mahad Salaad horyimaado baarlamaanka
Next articleSafaarada Turkiga oo soo dhoweysay talaabo uu qaaday Golaha shacabka Somalia