Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Caasimada Dhuusamareb.
Munaasibaadan waxaa Goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug Mudane Cabdi Maxmed jamac (Cabdiwayel) wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibano, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Caasimada & Odaayaasha dhaqanka Dagmada Dhuusamareb.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Ayaa sheegay in Dhuusamareeb ay ka dhici doonto Doorasho xor iyo xalaal ah islamarkana Shacabka Dhuusamareb ay dooran doonaan Qofka ay u Arkaan in uu u adeegi karo.
Ad