Reer Dhuusamareeb ayaa maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Caasimadu yeelato golle deegaan.
Ergo dhan 5-xubnood ayaa kala dooran doonta kursi walba oo gollaha kamid ah, waxaana kursigiiba ku tartamaya labo xubnood.
Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegtay in Dhuusamareeb tahay degmadii shanaad ee golle deegaan loo dhisayo, waxaana hore loogu guuleestay Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Caabudwaaq oo howsheedu dhamaad ku dhowdahay.
Ad