Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay Turkiga ayaa kor u dhaaftay 9,000, sida laga soo xigtay laanta qaabilsan ka hortagga masiibooyinka dalkaas.
Dhinaca kale, waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dalka Suuriya oo sidoo kale uu ku dhuftay dhul-gariirkan, balse warbaahinta dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ku dhawaad 2,500 qof ay ku dhinteen waddankaas.
Tan iyo markii ay musiibadan dhacday waxaa soo baxayay warar sheegayay in dad aan ahayn muwaadiniinta Turkiga ay ku waxyeelloobeen.
Baraha bulshada ee Soomaaliya ayaa lagu faafiyay sawirrada iyo magacyada arday Soomaaliyeed oo la waayay dhul-gariirka ka dib.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Ceydiid oo aan maanta oo Arbaco ah la xiriirnay ayaa sheegay in araday Soomaali ah oo gaari looga soo qaaday gobollada dhul-gariirku ka dhacay ee Turkiga ay soo gaareen magaalada Ankara, kuwaas oo safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ay dejiyeen goobo ay ugu talogaleen.
Ardeydan oo saqdii dhexe ee xalay magaalada Ankara gaaray ayaa tiradoodu tahay 29 araday.
Safiir Jaamac ayaa sheegay in dad kale oo isla deegaannada dhulgariirku ka dhacay laga soo qaaday ay ku soo jeedaan magaalada Ankara kuwaas oo ay ku jiraan dad caafimaad u tagay halkaasi.
“Dadkaasi dhexda ayay ku soo jiraan maanta ayay imaanayaan waana loo diyaar garoobayaa,” ayuu yiri Safiir Jaamac.
Waxa uu intaa ku daray in dadkaasi qaaraan loo aruuriyay isla markaana guryo loo diyaariyay.
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo lagu baadi goobayo arday kale oo Soomaali ah oo lagu la’yahay dhul-gariirka xilli ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu soo badbaadinayo dadka ku dhex go’doonsan burburka dhismeyaasha.
Mid ka mid ah dhismeyaasha burburay ayaa la sheegay in dadka laga soo saaray ay k amid ahaayen laba nin oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo midna uu geeriyooday midka kalena uu dhaawac yahay.
Ninka dhaawaca ah ee reer Jabuuti ayaa ku warramay in dhalinyaro Soomaali ah oo ay wada degganaayeen guriga burburay uu qayladooda ka maqlayay burburka hoostiisa.
“Wiilka dhaawaca ah wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee kale ama reer Jabuuti ha noqdaan ama Soomaali ha noqdaane in ay ka qaylinayeen gudaha dhismaha,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Jaamac Cabdullahi Ceydiid
Danjiraha ayaa sheegay in dhismahaas hadda la qodayo si loo soo badbaadiyo dadka ku hoos jira. Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhimatay dhulgariirka aan la xaqiijin karin maadaama gobollo kala duwan ay joogaan Soomaalidu isla markaana wali ay socdaan dadaallada samata-bixinta ah.
Magaalada Gaziantep oo ahayd halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyinka kale ee Turkiga waxaa ku sugan ardey Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xaalad deg dega ah oo muddo saddex bilood ah uga dhawaaqay 10 gobol oo ah kuwa sida ba’an uu u saameeyay dhulgariirka.