Home Wararka Somaliya Galmudug Dhawaqa Risaasta Culus oo saaka Laga Maqlayo Duleedka Degmada Gurceel

Dhawaqa Risaasta Culus oo saaka Laga Maqlayo Duleedka Degmada Gurceel

0

dhawaqa hubka culus iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa furimaha waqooyi ee Degmada Guriceel oo ay isku hor-joogaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kooxda hubeysan ee Ahlusunna.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in hubka la maqlayo yihiin badankood hoobiyayaal laga soo tuurayo dhufeysyada kasoo horjeeda, waxaana ay intaa raaciyeen in xiisada saakay taagan u muuqato mid sii xoogeysan karta maadaama labada dhinacba isku hor fadhiyaan meelo aan ka fogeyn magaalada.

Guriceel oo aheyd magaalo camiran ayay xalay isaga baxeyn dadkii ugu dambeeyay ee ku harsanaa xaafadaha magaalada iyo goobaha ganacsiyada kooban ee furnaa dhowrkan todobaad.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo iyo R/W Rooble oo Heshiis gaaray
Next articleDhageyso:- laftagareen oo ka hadlay heshiiska Farmaajo & Rooble ee uu garwadeenka ka ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here