Dhaqaatiirta iyo bahda caafimaadka ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta isugu soo baxay magaaladaasi, iyaga oo si adag uga hadlay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo xalay aano qabiil darteed loogu dilay waqooyiga Gaalkacyo.
Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin mudo saddex maalmood ah, iyaga oo ku muujinayo, sida ay uga xun yihiin dilka arxan darrada ah ee loo gaystay saaxibkooda.
Go’aanka dhaqaatiirta ayaa isla maanta dhaqan-galay, waxaana lasoo wariyay in haatan la xiray qaar ka mid ah isbitaalada Gaalkacyo, waxaana kaliya sii shaqayn doono qaybaha loogu adeego bukaanada jiifka ah iyo dadka la soo kulma xaaladaha deg-degga ah.
AUN dilka dhaqtarka ayaa waxaa fuliyay nin hubeysan oo watay qoray Ak47 ah, kaas oo ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.
Waxaa sidoo kale dilka sida uu u dhacay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta caafimaadka ee lagu dhex-dilay marxuumka, iyadoo muuqaalka lagu baahiyay Internet-ka.
Ninka hubeysan ee dilka fuliyay waxaa sidoo kale la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiiglaha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.