Maxkamad ku taalla dalka Guinea ayaa saddex dhakhaatiir ah ku heshay dambi ah in ay ku lug lahaayeen dilka haweeney dhallinyaro ah oo isbitaalka lagu kufsaday.
Dawladdu waxay sheegtay in sanadkii 2021-kii M’Mah Sylla, ay ku dhimatay Tunisia halkaas oo loo qaaday si loogu daweeyo ka dib markii la kufsaday.
Arrintan ayaa caro weyn ka dhalisay dalka Guinea.
Maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Conakry ayaa hadda ku xukuntay Daniel iyo Patrice Lamah 15 sano oo xarig ah halka dhakhtarkii saddexaad ee lagu magacaabayay Celestin Millimouna oo baxsad ku jira isna lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.
Dhammaantood waxaa lagu helay dambi ah in ay geysteen weerar iyo in ay ilmo iska soo rideen gabadha.
Patrice Lamah iyo Millimouna ayaa sidoo kale lagu helay dambiyo kale oo kufsi ah.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay