Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dhageyso Ra’isul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Muranka doorashada Fariina...

Dhageyso Ra’isul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Muranka doorashada Fariina udiray DG

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ugu horrayn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isagoo tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

Ra’iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kaga jiraan dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta nidaam dowladeed oo u adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Furay Shir ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka {SAWIRO}
Next articleDhageyso Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo si kulul uga hadlay Boobka doorashada