Home Wararka Maanta Dhacdo ‘layaab leh’ oo sababtay in qabriga laga soo saaro nin isbuuc...

Dhacdo ‘layaab leh’ oo sababtay in qabriga laga soo saaro nin isbuuc aasnaa

0

Meyd qabri ku aasnaa muddo hal isbuuc ah ayaa lasoo saaray, ka dib markii la ogaaday in uu khalad dhacay inta aan laga bixinin qeybta meydadka lagu keydiyo ee isbitaal ku yaalla dalka Nigeria.

Nin masiixi ah ayaa lagu aasay qabuuro loogu talagalay dadka muslimiinta ah oo ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria dhaca ee Kano.

Sababta markii hore loogu aasay halkaas ayaa lagu sheegay in labada ruux oo aad isugu ekaa la isku khalday.

Aminu Adam, oo ah imaamka guud ee bulshada ku dhaqan bartamaha gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay inuu isagu qaatay mas’uuliyadda jahwareerka dhacay.

“Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Obinwa uu meydkiisu ku jiray khaanadda lambarka 22-aad qeybta meydadka lagu keydiyo, markii aan aniga tagay inaan soo aqoonsadana, Basil Ejensi ayaa iila ekaaday Obinwa, oo nala noolaa muddo 40 sano ah. Labadooduba waxay ahaayeen niman jir ahaan iyo dhirir ahaanba la isku soo qaban karo, garna ma lahayn”, ayuu yiri Mr Adam.

“Marka aan weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha qeybta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka, waxay ii sheegeen in mararka qaarkood ay meydadka ka xiiraan garka, marka waxaan isaga maleeyay inuu ahaa Obinwa.”

Khaladka dhacay ayaa laga war helay ka dib markii qoyska Ejensi ay tageen isbitaalka, iyagoo qorsheynayay aaska wiilkooda geeriyooday, ka dibna waxay ogaadeen inuu meydkiisa maqan yahay.

Ka dib markii ay xaqiijiyeen in lagu aasay qabuuraha Muslimiinta, waxay u dacwoodeen maxkamad, taasoo u oggolaatay inay soo baxsadaan meydka.

Qoyska Ejensi way heleen meydkiisa, laakiin waxaan ilaa hadda meelna lagu sheegin meydka Cabdullaahi, oo wali la raadinayo.

Maamulka isbitaalka Aminu Kano, oo ah meesha uu khaladkan ‘dad badan ka yaabiyay’ ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay inay hadda baaritaan wadaan.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleKulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xatunta Villa Hargeysa oo lagu kala kacay
Next articleAlshabaab iyo Koox ajaanib ah oo la Shaqaynaysay oo duqayn Culus lala Beegsaday