Home Wararka Maanta Dhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday Magaalada Muqdisho kadib...

Dhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday Magaalada Muqdisho kadib Dil argagax leh oo loo Gaystay

0

Dhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kadib markii gabar ganacsato ah ay Toorey ku dishay ganacsade kale oo deris la ahaa.

Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Biriq) ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha la dilay, waxaana la sheegay inay isku dhaceen haweeney deris la aheyd oo ganacsato kale ah, khilaafka labada qof ayaa soo jiray maalmo badan.

Ganacsade Maxamed Biriq oo dacwo ka ah haweeneyda galabta Tooreyda ku dishay ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu tegay saldhigga booliska degmada Wadajir isagoo dacwo ah, booliska ayaa ku soo baxay khilaafkaas, waxayna isku dayeen inay xaliyaan.

Haweeneyda ayaa galabta u yeeratay walaalkeed, kaas oo u soo gurmaday walaashiis, garmahana ka qabtay ganacsade Maxamed Biriq, iyadoo wadata Toorey ayaa la sheegay inay la dhacday ninkii ilaa uu ka geeriyooday, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ehellada marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda la hayo oo gacanta booliska ay ku jiraan labadii walaal ee dilay marxuumka, kuwaas cadaalad sugayaal ah.

Sidoo kale, ehellada ayaa galabta cadeeyey in meydka aysan aasa doonin ilaa cadaalad ay ka helaan, isla markaana ay geliyeen qaboojiyaha Isbitaalka Madiina.

Dilalka noocaan ayaa maalmahaan ku batay Muqdisho, sidoo kale waxaa badan dadka is dilay ee aan la aasin ee weli ku jira qaboojiyaha, kuwaas oo lala sugayo in lala aaso qofkii dilay, Luul Cabdicasiis oo ninkeedii uu dilay ayaa ka mid ah meydadka weli ku jira qaboojiyaha.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleGabadha madaxweynaha Kenya oo codsatay in nin guursaado loogu duceeyo oo hadal heyn badan dhalisay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Danaha Turkiga ugu jira heshiiska difaaca ee Soomaaliya