Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Xasan Shiikh ka Codsaday Wadahadal in lala Furo

Deni oo Xasan Shiikh ka Codsaday Wadahadal in lala Furo

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin mowqifkii ay Puntland qaadatay markii dowladda federaalka ay bilowday inay wax ka bedesho dastuurkii KMG ahaa ee Soomaalidu ku heshiisay.

“Sidoo kale Puntland waxay qabtaa in khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka khilaafiga ah looga gudbi karo wadahadal, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in iskaashi hormarineed ay la yeelato dowlad goboleedyada kale ee dalka, Puntland waxay horay juhdi badan ugu bixisay sidii loo xaqiijin lahaa dowladnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku taliyey in awooda dalka aysan marooqsan qolo gaar ah, isla markaana lagu dhaqmo sharciga iyo dimoqoraadiyadda, “Suurtagal maaha in lagu dhaqmo siyaasadaha guracan oo koox gaar ah ay afduubato dalka iyo dastuurka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Maxxaweynaha Puntland ayaa ku goodiyey in Puntland ay ku sii dhaqmo doonto awoodaha uu siinayo dastuurka maamulkaas iyo kan federaalka, ilaa inta ay xeyndaabka sharciga ku soo laabanayaan masuuliyiinta dowladda federaalka, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay cadeeyey qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah:

1-Hirgelinta nidaamka federaaliga ah,

2-Awood Qeybsiga

3-Nidaamka maaliyadeed ee federaalka,

4-Qaab-dhismeedka amniga qaranka,

5-Wadaagga kheyraadka,

6-Iyo Hanaanka Cadaaladda dalka.

Qodobadaan ayuu sheegay Saciid Cabdullahi Deni inay isku hayaan Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous article“Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga” Israil oo Xaalku ku Xumaaday
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Soonaaliland oo Ka Horyimid Muuse Biixi Xili Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here