Home Wararka Maanta Deni oo Weerar ku Qaaday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran ee Puntland ka...

Deni oo Weerar ku Qaaday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran ee Puntland ka Maqnayd

0

Madaxweynaha maamul gobileedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Deni ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isaga oo ka horyimid go’aanadii u dambeeyay ee ay soo saareen, maadaama ay ka maqneyd Puntland.

Madaxweyne Saciid ayaa sheegay in Golahan uusan kalgiis ah go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama waddanku yahay mid federaal ah oo leh hay’ado kala duwan.

Sababta waxa uu ku sheegay in weli aan heshiis lagu aheyn shuruucda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada kalena mid walba uu gooni u maamulo deegaankiisa.

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka leexatay hannaanka federaalka, sidoo kale ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda hadda xilka haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si bareer ah uga leexatay hannaankii federaalka ee dalka, ayna meesha ka saartay dastuurka lagu heshiiyay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Si kastaba, Puntland, ayaa qudheeda haatan waxaa ka jira xaalada cirkiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleObama oo Israa’iil uga digay inaysan samayn qalad la mid ah kii Maraykanku sameeyay dhacdadii 9/11
Next articleSoomaaliland oo Gaashaanka U Daruurtay Damicii Abiya Axmed Ee Bada Soomaaliya