Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saakay ka qayb-qaatay dabaal-dega xuska sannad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay aasaaskii Puntland 1-dii August 1998.
Madaxweyne Saciid Deni oo ay wehliyeen masuuliyiinta sar sare ee maamulkaasi ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada, waxa ayna ciidamada halkaasi kusoo bandhigeen dhoolo-tus.
Ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa fagaaraha uu ka socday dabaal-dega kusoo bandhigay cududooda, waxa ayna ciidamada oo hub kala duwan watay halkaasi ku mareen socod dheer.
Maamulka Puntland ayaa la aasaasay sannadkii 1998-dii kowdii Agoosto, waxaana magaalada Garawe iyo magaalooyin kalaba ka socda dabaal-dega sannadka guurada 25-aad ee aasaaska mamulka Puntland oo hadda ah hooyada federaalka Soomaaliya.