Home Wararka Maanta Deni oo Si layaab leh uga hadlay Duqayntii Maraykanku ka Fuliyay Buuraha...

Deni oo Si layaab leh uga hadlay Duqayntii Maraykanku ka Fuliyay Buuraha Goolis

0

Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si ka duwan dowladda federaalka uga hadlay duqeyn uu Sabtidii Mareykanka ka gaystay aagga buuraha Calmiskaad, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish.

Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in duqeyntaan uu fuliyay Mareykanka, isla-markaana lala socod-siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump”.

Dhinaca kale qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in weerarka uu daba socday howlgalka ay qaadeen ciidamadeeda, ayna si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo ay uga mahadcelisay taageeradooda ku aadan dagaalka kooxda Daacish.

“Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu haatan galay wajigiisa labaada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Daacish.

“Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan” ayaa mar kale lagu yiri.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleJabuuti oo Duqayn Diyaaradadeed Ku laysay Itoobiyaan Badan
Next articleSSC Khaatuma oo Talaabo Culus u Qaaday Dhanka Soomaaliland