Home Wararka Maanta Deni oo shaaciyey go’aanka DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland

Deni oo shaaciyey go’aanka DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo Deni uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo dhaweeyey gogoshaas, isla markaana uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in gogoshaas la qabto.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS u xilsaaray diyaarinta ajendaha gogoshaas looga hadlayo.

“Kulankii kaas xigay waxaa lagu falanqeeyey ajendeyaasha ay tahay in gogoshaas lagu soo bandhigo, si loogu gudbiyo madaxweynaha oo qaban doona waqtiga ku haboon ee gogoshaas la isugu imaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha DF uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen gogosha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay.

“Markii madaxweynuhu waqtiga noo iclaamiyey ayey gogoshaasi ka dhici doontaa Garowe, si aan uga arrinsano marxaladaha adag ee ku soo wajahan qaranimada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay soo baxaan qodobo muhiim u ah masiirka dalka,” ayuu yiri Deni.

Ad
Previous articleImran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah
Next articleMaamulka Koonfur Galbeed oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here