Home Wararka Maanta Deni oo Qaatay go’aan xasaasi ah kana laabtay go’aankiisii doorashada...

Deni oo Qaatay go’aan xasaasi ah kana laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa qaatay go’aan xasaasi ah, isagoo cadeeyey inuu ka laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.

Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in go’aankaan uu qaatay kadib markii dadka reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo saaray hanaan doorasho oo kii mucaaradku uu rabay ah, isla markaana uu u gudbiyey baarlamaanka.

Sidoo kale Deni wuxuu sheegay inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.

Madaxweyne Deni oo careysan ayaa sheegay in lala qaaday waayey nidaamkii dimoqraadiga ahaa ee Puntland uu ka hirgeli rabay, kaas oo sida uu sheegay uu ku bixiyey waqti iyo dhaqaale badan.

Mucaaradka Puntland ayaa la filayaa inay war ka soo saaraan go’aanka uu caawa ku dhawaaqay madaxweyne Deni, maadaama ay mudo dheer u soo dagaalamayeen hanaanka uu caawa ogolaaday in doorashada Puntland loo qabto.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inuu u damqanayo jiritaanka Puntland, isla markaana uu doonayo in doorashada Puntland aysan ka dabo marin bisha Janaayo.
Ad
Previous articleDowladda Kenya oo raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib arin Xasaasi ah oo dhacday
Next articleXasan Shiikh oo ka Hadlay Go,aankii lama Filaan ka ahaa ee Uu Qaatay Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here