Home Wararka Maanta Deni oo maantay kusoo wajahan Muqdisho Kadib Markii uu Diiday Wafdi Dowlada...

Deni oo maantay kusoo wajahan Muqdisho Kadib Markii uu Diiday Wafdi Dowlada Kasocda oo garowe ku wajahnaaa

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen mudug24

Sida aan xogta ku helnay safarkan, oo uu Deni kaga jawaabayo casuumad uga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayey aheyd inuu shalay ku yimaado Muqdisho, balse wuuu baaqday. 

Safarka Deni ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Puntland uu shirkii Khamiista ee golaha wasiirada Puntland aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. 

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre. 

Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Beesha Dowlada iyo Kuwa Macawislayda Oo ku Hareeraysan Degmada aadan Yabaal
Next articleXasan Shiikh oo markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu kamid noqdo Muqtaar rooboow