Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kahadlayay Garoowe ayaa sheegay in gobalada SSC ay yihiin dhulka Puntland, sababta shacabka loogu dilay Laascaanood ayuu kusifeeyey mid laga leeyahay ujeedoyin guracan oo kasoo horjeeda Soomaalinimada.
Deni ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada Gobaladaas in ay midoobaan, oo ay garowsadaan in lajoogo xiligii midowga.
Puntland ayuu sheegay in ay diyaar u tahay taageero, garab istaag iyo ciidankeeda oo diyaar u ah difaaca dhulkeeda.
Deni ayaa cadeeyey in ay dhinaca Puntland mar kasta diyaar u tahay xal siyaasadeed iyo mid dagaal labada.
Ad