Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo goordhow ka hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in uu bilaaban doono wajiga 2-aad ee dagaalka Daacish kadib markii guulo laga gaaray wajigii 1-aad ee dagaalka.
Deni, ayaa ciidanka Puntland ku amaanay geesinimada ay muujiyeen, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo kaalin muuqata ku leh dagaalka.
Daacish ayaa laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobalka Bari waxaana loo geestay burbur iyo kala carar.
Ad