Home Wararka Maanta Deni oo gaashaanka u Daruuray Gi,aankii Garaadada SSC khaatumo

Deni oo gaashaanka u Daruuray Gi,aankii Garaadada SSC khaatumo

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa cadeeyey mowifkiisa ku aadan go’aanka ay Khaatumo ku noqaneyso maamul madax-banaan oo hoos taga dowladda federaalka, isla markaana la siman Puntland iyo maamullada kale ee dalka.

Saciid Deni ayaa munaasabadii uu xalay ku shaaciyey musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Puntland wuxuu ka sheegay in go’aankii Isimada SSC Khaatumo uu soo dhaweynayo.

“Taageeridda aayo ka tashiga dadka reer Khaatumo waa qodob ka mid ah barnaamijkeyga siyaasadeed hadaan ku soo laabto xukunka,” ayuu uiri Deni.

Wuxuu sheegay in Puntland ay juhdi iyo dhaqaale badan ku bixisay xoreynta dhulka SSC Khaatumo, isla markaana ay ixtiraamayaan go’aanka iyo masiirka dadka deegaanadaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland wuxuu cadeeyey in hadii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumi doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, “Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri.

Saciid Deni wuxuu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta kula tartameysa kursiga, isagoo yiri “Saaxiibadey shalay waxay diideen doorasho qof iyo cod ah, waxay soo jeediyeen in doorashada lagu galo nidaamkii hore ee 66, hadana markii uu soo baxay go’aanka SSC, waxay leeyihiin 49 xildhibaan doorashada ha lagu galo, taasi ceeb ayey ku tahay labo hadal oo is qabtana maaha.”

Saciid Deni ayaa cadeeyey in 8-da Janaayo doorashada Puntland lagu gelayo 66 xildhibaan, iyadoo dhinaca kalena la ixtiraamayo go’aanka gooni isku taagga ah ee Isimada SSC Khaatumo ay gaareen.

“Cid kasta oo dooneysa inay qabato hoggaanka Puntland waxaa laga rabaa inay ilaaliso sharciga u yaalla Puntland, hadii la kala tegayo waa in sharci loo maraa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha waqtigubka dhamaaday ee Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in dhismaha Khaatumo uusan ka dhigneyn in Puntland la dumiyey, “labadaba waajib ayaa naga saaran, qalqalka dastuuriga ah, khatar ayuu ku yahay aayaha Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXasan shiikh iyo Muuse biixi oo kulankii u horeeyey Yeeshay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qodobada ugu culus wada-hadallada DF iyo Somaliland