Home Wararka Maanta Deni oo Dhabar jabin lama Filaan ah kala kulmay Xildhibaanada Puntland iyo...

Deni oo Dhabar jabin lama Filaan ah kala kulmay Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland oo uu Ku Tashanaayay

0

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Sida aan ogaanay , Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Inkasta oo kulanka ay ka qeyb-galeen kaliya 33 xildhibaan, haddana waxaa xitaa hubneyn inay 33-kaas ay wada taageersan yihiin Deni, ayada oo qaarkood ay suurta-gal tahay inay qadada u tageen kaliya inay ku ixtiraamaan casuumadda loo fidiyey.

Xildhibaanada diiday inay kasoo qeyb galaan qado sharafta uu sameeyey Saciid Deni ayaa la sheegay inay ku kala biireen siyaasiyiinta mucaaaradka, iyagoo Saciid Deni u arko inuu yahay siyaasi aan fursad fiican u heysan in loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah  ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

“Sidee ku dhici kartaa in siyaasi ku fashilmay hoggaaminta Puntland islamarkaana colaad ka dhex huriyey bulshadiisa dhexdeeda in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed oo dhan, runtii waxa kaliya ee aan hubo waa in xildhibaanada ay ku mideysan yihiin inay codkooda siiyaan Farmaajo intii ay cod siin lahaayeen Saciid Deni,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay Puntland oo diiday inaan magaciisa adeegsano.

Sida ay qabaan falanqeeyaasha siyaasadda, Saciid Deni ayaa la rumeysan yahay inuu kaliya heli karo 30% codadka xildhibaanada laga soo doortay Puntand iyo Jubaland, illaa hadda lama soo sheegin codad kale oo uu ka heli karo xildhibaanada maamul goboleedyada kale.

Haddii ay wax u dhacaan sida ay falanqeeyaasha iyo siyaasiyiinta sheegayaan waxaa meeshaas ka cad inuu Saciid Deni ku hari doono wareegga koowaad ee doorashada taasoo aan niyad jab ku noqon doonin maadaama uu haddaba ogyahay inuusan halkaas dhaafi karin.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee saldhiga Ceel Baraf Balanqaadna Samaysay
Next articleImisa Musharax ayaa ilaa Haatan Qaadatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweymaha Soomaaliya(Magacyada+Sawiro)