Home Wararka Maanta Dekada Muqdisho Oo Xirantay iyo Buuq Ka Taagan

Dekada Muqdisho Oo Xirantay iyo Buuq Ka Taagan

0

Muddo labo maalmood waxaa xiran dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatada lagu soo rogay canshuur dulsaar ah oo sida ay sheegeen aan sharciga waafaqsaneyn.

Ganacsatada oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan ka war qabin lacagtaan lagu soo rogay, iyagoo si cad u sheegay in shakhsiyaad gaar ah ay qaadanayaan.

Shaqadii dekedda Muqdisho waxay sheegeen inay dowladda ka socon weysay, isla markaana aysan waxaba kala soo degi doonin dekedda ilaa madaxda ugu sareysa dalka ay soo farogeliso arrintaan.

Sida aan ogaanay, waxaa dekedda Muqdisho ku xayiran agabyo muhiim ah oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay isticmaalaan mishaan Ramadaan iyo maalmaha ciida.

Ganacsatada Muqdisho ee shaqo joojinta ku dhawaaqday waxay sheegeen inay bixiyeen wax kasta oo taageero ah oo dowladdu uga baahneed, sidoo kale waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda la xaliyaan culeysyada soo wajaha, balse waxay cadeeyeen in canshuur sharci darro ah aysan dhiibeyn.

Warbaahinta, waxay ogaatay in bishii Agoosto ee sanadkii hore uu madaxweyne Xasan Sheekh ganacsatada ka codsaday inay kordhiyaan canshuurta ay bixiyaan 50% isla markaana ay ka ogolaadeen.

Xiligaas Madaxweynuhu wuxuu u balan qaaday ganacsatada in canshuur dambe aan lagu kordhi doonin, isla markaana dowladda ay ku dadaali doonto sidii ay wax kasta ula fududeyn laheyd ganacsatada Soomaaliyeed.

Bayaan ka soo baxay shir maanta ay ganacsatada Muqdisho isugu imaadeen waxaa lagu go’aamiyey in dekedda Muqdisho aysan dib u shaqo bilaabi doonin ilaa madaxda ugu sareysa dalka oo Xasan Sheekh ugu horeeyo ay soo farogeliyaan arrintaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan shiikh Maxamud oo dalka deg deg ugu soo laabtay kadib…
Next articleMaxay tahay sababta ka dambeysa safarrada is daba joogga ah ee madaxweynaha uu ku tagayo Eritrea?