Home Wararka Somaliya Galmudug Degmo kale oo Ka Tirsan Galmudug oo Goordhow Lagu Duqeeyey Alshabaab

Degmo kale oo Ka Tirsan Galmudug oo Goordhow Lagu Duqeeyey Alshabaab

0

Degmada Galcad ayaa lala eegtay duqayn xagga cirka oo gaaraayo ilaa dhowr saalbo,

meelaha duqaymanka lala eegtay waxaa ka mid ah Kaydka iyo Maqaayad ku dhaw Baraagta taasoo wax yeelo kasoo gaartay labo qof halka dhanka kale la duqeeyay Barxadda Ceelwayne.

Qasaarihii ka dhashay Duqeyntii maanta ka dhacday Degmada Galcad.

Duqeyntii lala eegtay qaybta Maqaayada ee ku taal meel aad ugu dhaw barkadda Gadawe Seedoow una furneed gabar lagu magacaabo Deeqo Daahir Badarside, ayaa lasoo warinaa in qof ku dhintay qofna dhaawac halis ah soo gaaray,

Qofka dhintay ayaa lasoo sheegaa in ay tahay milkiiladii Maqaayada Deeqo Daahir halka wiilka dhawaaca ahna lagu macaabo Cabdi Boosh kaasoo ka tirsan shaqaalaha Hormuud,

lama ogo qasaaraha Alahabaabkii  halkaas ku sugan soo gaaray maadama halka lagula beegsaday ayna u ogolayn qof anan Iyaga ahayn waana halka lagu magacaabo Kaydka oo sidaa uga fogayn Maqaayada aan kor kusoo xusnay.

 

Ad
Previous articleDowlada oo Shaacisay Magacyada iyo Qabiilada Alshabaabkii Sakaay lagu Laayay Galhareeri
Next articleFaroole oo si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay saxiixeen xildhibaanada labada aqal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here