Home Wararka Maanta Degmada Galhareeri ee Galgaduud oo saakay loo daatay

Degmada Galhareeri ee Galgaduud oo saakay loo daatay

0

Wararka naga Soo Gaaraaya Gobalka Galgaduud Gaar ahaan Degmada Galhareeri oo Ay Maamulaan Alshabaab ayaa La Xaqiijiyay in Saakay Duqayn Culus lagu Garaacay Magaaladaas.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa Afar Gantaal ku Dhuftay Gudaha Degmada Gal Hareeeri Gaar ahaan Xarumo ay Alshabaab Leeyihiin.

Goobaha Duqaynta lagu Burburiyay Waxaa Ka Mid ah Idaacada Andulus Xarunteedi Ku Yaalay Galhareeri Taas oo La Xaqiijiyay ilaa Hataan inay Gubanayso.

Sidoo kale Waxaa La Duqeeyey Xarun ay ku Sugnaayeen Ciidamo Ka Tirsan alshabaab kuwaas oo kasoo laabtay Weerarkii shalay ay ku Qaadewn Degaanka Caad oo Ciidamada Dowlada Kaga Saaray.

Dowlada Soomaaliya ayaana Goordhow Shaacisay Warbixin kooban oo Sidaan U Qornayd;

Ku dhawaad 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu laayay howlgal qorshaysan oo Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay Idaacad Khawaarijta halkaas ay ku lahaayeen iyo xarun ay ku diyaarin jireen Qaraxyada iyo weerarada.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo war lama filaan ah kasoo saaray kulankii Dhexmaray Asaga Iyo Madaxweynaha Masar
Next articleAxmed Madoobe oo iska Diiday inuu Ka Qayb Galo Caleema saarka Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here