Home Wararka Caalamka Deg Deg: Russhka iyo Ukrain oo Heshiis Hordhac ah Gaaray

Deg Deg: Russhka iyo Ukrain oo Heshiis Hordhac ah Gaaray

0

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa ku heshiiyay fududeynta howlaha gargaarka bini’aadinimo, si loo caawiyo dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duullaanka Moscow ee galay maalintii siddeedaad, taasoo ah horumarkii ugu horreeyay ee laga gaaro wadahadallada labada dal uga socda xadka Ukrine iyo Pelarus

Wadahadalladan ayaa Ruushu wuxuu sheegtay inay natiijo muhiim ah kala kulmeen, halka Ukraine ay dhinaceeda sheegtay in fahankeeda wadahadaalladan ay ahaayeen caawinta dadka caadiga ah ee reer Ukraine, laakiin aysan kasoo bixin natiijadii ay Kyiv rajeyneysay.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in dhici karto in si ku meel gaar ah dagaalka looga hakiyo goobo cayiman inta lagu jiro daadgureynta iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadaminimo oo ay ugu horreeyaan raashinka iyo daawada.

Kumannaan kun ayaa loo malaynayaa inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado waddan Yurub ah tan iyo dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaasoo abuuray 1 milyan oo qaxooti ah, dhaqaalaha Ruushka oo hoos u dhacay iyo cabsi laga qabo iskahorimaadyo ballaran oo Galbeedka ka dhaca, kaas aan laga fikirin muddo tobanaan sano ah.

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada hareereeyn ay ku weerarayaan magaalooyinka Ukraine, oo ay ku jirto Mariupol, oo ah dekedda ugu weyn ee bariga dalkaas, taas oo ay ku socoto duqeymo culus oo ka jiray biyaha iyo korontada, iyadoo saraakiisha magaaladaas ay sheegayaan in aysan qaadi karin dhaawacyada

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDeni oo agaasimihii PSF ee Bosaaso kula Dagalaamay Xilkisi u magacaabay iyo PSF oo lakala Qaybiyay
Next articleKuraas uu kujiro kursi uu utartamaayo Madaxweynihii Hore ee Kooonfurgalbeed oo la Shaaciyay