Home Wararka Maanta Deg Deg:5 qof ajaanib ah oo ku Dhimatay Weerarkii lagu Qaaday Xerada...

Deg Deg:5 qof ajaanib ah oo ku Dhimatay Weerarkii lagu Qaaday Xerada Xalane

0

Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa VOA u sheegay in lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada.

Afhayeenka Booliska oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen labo ka mid ah kooxda Al-Shabaab, ayna galeen xero u dhow garoonka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna dhankeeda shaacisay in haatan ay toogasho ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Weerarkan ayaa dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Ad
Previous articleCabdullahi Goodax barre oo Wareegii koowaad ku Haray
Next articleCiidamo Ka Tirsan ahlusuna oo isku Soo Dhiibay Galmudug hub Farabadana Watay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here