Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg: Xildhibaan odawaa oo Markale Xildhibaan loo Doortay

Deg Deg: Xildhibaan odawaa oo Markale Xildhibaan loo Doortay

0
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa markale dib loogu doortay xubnimada Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kursiga si gaar ah loogu xiray ayaa helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag oo loo qaaday.

Guddiga SEIT ee Galmudug oo war kasoo saaray doorashadan ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu ku soo baxay kursiga HOP#069 ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada ee HirShabelle.

Kursigan ayaa ka mid ah kuwa sida aadka ah isha loogu hayey, balse isbedal ku yimid saacadihii ugu dmabeeyey, kadib markii uu tanaasulay musharax Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Odowaa oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii hore ayaa markale ka mid noqonaya xildhibaanada dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidmada Ruushka oo afduubtay Duqa Magaalada Melitopol.
Next articleSafaarada Maraykanka ee Ciraaq oo Gantaalo lagu Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here