Home Wararka Caalamka Ciidmada Ruushka oo afduubtay Duqa Magaalada Melitopol.

Ciidmada Ruushka oo afduubtay Duqa Magaalada Melitopol.

0

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa lagu eedeeyay in ay afduub u geesteen duqa magaalada Melitopol, kaddib markii ay si buuxda ula wareegeen Ruushka gacan ku heynta magaaladaasi.

Duqa magaalada Melitopol ,Ivan Fedorov ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday in uu la shaqeeyo ciidamada Ruushka ee qabsaday magaaladaasi, waxaana ciidamada Ruushka ugu galeen xafiiska Duqan magaalo kaddibna kasoo xireen.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay ciidamada Ruushka iyaga oo galaya xafiiska duqa magaalada Melitopol kaddibna halkaasi kasoo saaray duqa magaalada oo indhaha ka xiran .

Dadka ku dhaqan magaalada Melitopol ayaa sameeyay isku soo baxyo ay ku dalbanyeen in ciidamada Ruushka soo daayaan duqa ay afduubteen, waxa ayna shacabka xireen waddooyin muhiim ah oo kuyaalla magaalada Melitopol.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ugu baaqay ciidamada Ruushka in si deg deg ah u sii daayaan duqa magaalada ee u afduuban, waxa uuna afduubkan ku tilmaamay mid dambi ah ay sameeyeen ciidamada Ruushka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Duqayn Diyaaradaha Maraykanku ka Fuliyeen Galmudug
Next articleDeg Deg: Xildhibaan odawaa oo Markale Xildhibaan loo Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here