Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beladweyne laba Xidigle Max’ed Xuseen Max’uud (Duur-jooge) ayaa goordhow ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Magaaladaas.
Iska horimaadka ayaa bilowday markii ciidamada Haramcad iyo booliska Hirshabelle ay isku fara saareen afaafka hore ee saldhiga magaaladaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weli dagaalku uu socdo isla markaana ay jiraan qasaarooyin kale oo dadka shacabka ah soo gaaray lamana oga illaa hadda sababta kicisay dagaalkan
La soco wixii ku soo kordha..
Ad