Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxaan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay.
Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Ad