Home Wararka Maanta Deg deg Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Fasaxay Kursigii Fahad yaasiin

Deg deg Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Fasaxay Kursigii Fahad yaasiin

0

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federaal ayaa goordhaw qoraal ay soo saareen waxa ay ku fasaxeen lix kursi oo horey natiijadooda u hakiyeen guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka heer federaal.

Kuraastan ay maanta fasaxeen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federaal ayaa waxaa ku jira kursiga HOPO86 uu dhawwaan kusoo baxay taliyihii hore ee NISA hadana ah lataliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Axmed.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawwaan hakiyay natiijada doorashada kursigan uu kusoo baxay Fahad Yaasiin iyo kuraas kale oo habraac sax ah aan loo marin oo lagu doortay magaalooyin kala duwan.

Lama oga go’aankan goordhaw kasoo baxay guddiga xallinta khilaafaadka doorashada in ay raali ka yihiin guddiga doorashada heer federaal oo horey u hakiyay dooarshada kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Ad
Previous articleKursiga HOP137 oo La ogaaday Cida Loo Xiray ee Kusoo Bixi Doonta kaas oo Dhawaan Galmudug lagu Dooran Doono
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Shir looga Hadlaayay Amniga sii Xumanaaya ee Dalka ku Qabtay Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here