Home Wararka Maanta Deeyoow oo kamid ahaa Dadka ugu Dhow Xasan Shiikh oo Xilka laga...

Deeyoow oo kamid ahaa Dadka ugu Dhow Xasan Shiikh oo Xilka laga Qaaday Shaaciyayna Waxa uu samayn Doono

0

Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Boondheere, Maxamed Deeyow oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qorshihiisa cusub, kadib xilka qaadistii lagu sameeyay.

Maxamed Deeyow oo shalay si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbeddeli doonin fikirkiisa, welina uu ahaanayo muxaafad taageerayo madaxweyne Xasan.

“Mucaarad intaas oo sano ayaan soo ahaa marka mucaaradnima kale iima noqoto muxaafadkeyga ayaan ahay wax iga haleysan maleh” ayuu yiri Maxamed Deeyow.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay habka ay wax u waddo dowladda federaalka, uuna rajeynayo in isbeddel wayn ay gaarsiiso dalka.

“Waan ku qanacsanahay siyaasadda iyo habka uu wax wado madaxweyne Xasan Sheekh waxaan rajeynaa inuu waddanka gaarsiiyo isbeddel fiican” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Xil iyo xil la’aanba waan taageersanahay dowladda, waana wada guuleysaneynaa, haddii uu Alle yiraahdo”.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha dastuurka iyo xaaladda guud ee dalka, wuxuuna sheegay inuu filayo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Deeyow ayaa kamid ahaa dhalinyaradii sida wayn baraha bulshada uga taageeri jiray madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii 2022-kii.
Ad
Previous articleMaxaad ka taqaan duuliyahan Soomaaliga ah ee kaxeeya dayaaradaha ugu waaweyn Afrika?
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Markab Wali u afduuban Burcad Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here