Home Wararka Maanta Dawladda Soomaaliya oo Cafis u fidisay kuwa kasoo baxaya “khawaarijta”

Dawladda Soomaaliya oo Cafis u fidisay kuwa kasoo baxaya “khawaarijta”

0

Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale gacmaha u furtay waxa ay ku sheegtay “maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda,” kadib markii uu mdaxweyne xasan cusboonaysiiyey cafiska cid kasta oo kasoo laabata kooxahaas.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al Shabaab ay iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho.

Dawladda Soomaaliya oo uga mahad celisay waalidiintu kalinta ay ka qaateen “caruutoodu in ay kasoo laabtaan khawaarjta” ayaa ugu hanjabtay in ay caddaaladda marsiin doonaan “kuwa ka dhaga adayga in ay ka faa’iideystaan fursaddan”.

Tani waxay kusoo aadaysaa iyada oo taliyaha nabadsugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe u uku sugan yahay Aadan Yabaal halkaas oo uu kula hadlay dadka deegaanka.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo Goordhow La Wareegay Deegaanka Ciidciidka
Next articleHaweeney caan ka aheyd Tiktok oo la dilay Xili ay Gaarigeeda ku Dhex jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here