Home Wararka Maanta Dawladda Soomaaliya maxay ka tiri in Imaaraatku joojiyay kaalmadii ciidan ee uu...

Dawladda Soomaaliya maxay ka tiri in Imaaraatku joojiyay kaalmadii ciidan ee uu siin jiray Soomaaliya?

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ‘dacaayad’ ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu hoos u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiish difaac la gashay waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Soomaaliya muddo sannado ah.

Inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay, hadana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.

Heshiiskaan Turkiga uu la galay Soomaaliya ayaa dhigaya in 10 sanno uu Turkigu ilaalin doono xeebaha Soomaaliya, ciidamo badeedna u dhisi doono Soomaaliya. Heshiiskaas oo ka koobnaa mid dhaqaale iyo difaaca ayaa sidoo kale waxa ay Soomaaliya ay heshiiska dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka badda la saxiixatay dawladda Turkiga

Soomaaliya waxay heshiishyo difaac la gashay, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Uganda. Balse waxaa wadamada badani loolan ugu jiraan shidaalka Soomaaliya oo ay dawladdu sheegtay in la soo saari doono dabayaaqada sanadkaan 2024 ta, markii ugu horeysay.

Dhanka kale dawladda ayaa beenisay in dhaqaale xumo ku dhacday darteed ay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug isaga soo baxeen saldhigyadoodii.

Qaar ka mid ah ciidamada oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in lacagihii ay heli jireen qayb laga jaray, balse inteeda badan ay helaan oo u soo dhacdo.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin ciidan laga jaray mushaar.

“Hal askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo aan mushaarkii loogu talo galay qaadanin ma jiro, dhammaan ciidamadu mushaarkoodeey qaateen – wax iska beddelayna ma jiro” ayuu BBC da u sheegay Cabdiraxmaan Yuusuf, wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Ciidamada kasoo baxay furimaha oo ay ku jiraan kuwa Macawiisleyda oo ka garab dagaalama ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay dayac ku muteen furimaha dagaalka, ayna jirin cid dhiirigelisa, sidaas darteedna ay qasab noqotay in ay banneeyaan dhulkii ay ku sugnaayeen.

Axmed Kabool oo ka faalood arrimaha amniga waxuu aaminsanyahay in kabixitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleey ay dhabarjab xoogan ku tahay kutahay howlgalkii madaxweynaha Soomaaliya uu bilaabay.

“Waa nasiib darro in 2024 ka, December, iyada oo ay baxayaan ciidamadii Amisom in al Shabaab ay dib u soo noqdaan ama xarumihii laga qabsaday ay dib ugu soo noqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaboole.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Siwayn uga Horyimid Qorshe uu Madaxweyne Xasan Shiikh watay
Next articleTaliyihii Ugu Sareeyey Furimaha Dagaalka Galmudug oo Shaaciyay Sababtay ay uga Soo Baxeen Camaara Bacaadwayn iyo Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here