Home Wararka Maanta Daraasad cusub oo xal waara u heshay bidaarta dhibka ku heysa ragga...

Daraasad cusub oo xal waara u heshay bidaarta dhibka ku heysa ragga iyo dumarka!

0

Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

“Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto – waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.

Cilmi-baarayaashu waxay tijaabiyeen arrintan iyagoo jiir ku tallaalay muunadaha maqaarka dadka lagasoo jaray, ka dibna waxay siiyeen xayawaanka saddex irbadood oo badinaya ‘molecule-ka’ , oo ay dhexeyso min hal maalin. Maalmo gudahood, cirbadaha ayaa ka caawiyay jiirka inay usoo baxaan timo cusub oo dhererkoodu yahay ilaa 1 sentimitir.

Si loo Xaqiijiyo in Osteopontin-ku masuul ka yahay soo bixitaanka timaha, waxay cilmi-baarayaashu sidoo kale barootiin caadi ah ku dureen meel kale oo maqaarka ka mid ah taas oo aan wax timo ah soo saarin.

Plikus waxa uu sheegay in si ka duwan daraasado diiradda saarayay dhogorta jiirka, ay natiijooyinkiisu aad u khuseeyaan bini’aadamka.

Plikus wuxuu rajeynayaa in cilmi-baaristiisu ay ugu dambeyntii u horseedi karto daweynta bidaarta iyo timo la’aanta, waxaana suurta gal ah in tan lagu sameeyo xarumaha dhaqaatiirta maqaarka, oo la mid ah habka qurxinta jirka.

Sida la filayo Plikus wuxuu yiri dadka waxaa usoo bixi doona timo dabiici ah oo la mid ah sidii ka hor inta aysan bidaartu ku bilaaban.

Waxaa jira noocyo lagula tacaalo tima daadashada iyo bidaarta balse aan ahayn daweyn rasmi ah, waxaana ka mid ah kiniini iyo saliido la mariyo madaxa.

Qaarkood waxay lkeeyihiin saameyn taban, tusaale kiniinka Rogaine wuxuu sababaa maqaar cuncun halka midka kale ee Propecia uu hor seedo in uu dhimo dareenka iyo damaca gogosha.

“Waxaan haynaa la tacaalid, laakiin ma hayno xal,” ayuu yiri Dr. Jeremy Green, oo ah khabiir ku takhasusay maqaarka oo ku sugan Miami la-taliyena ka ah

Ad
Previous articleAl Shabaab oo si adag uga hadashay Duqeymo khasaaro geestay oo Jubbooyinka ka dhacay
Next articleMuuse Biixi oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood