Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegayaa in muddo ka badan afartan maalmood uu ka maqanyahay magalaada Garowe oo ah caasimadda maamul goboleedka Puntland.
Dad badan ayaa bilaabay inay is weydiiyaan halka uu madaxweynuhu ku maqanyahay iyo sababaha ka dambeysa maqnaashihiisa. Daka qaar ayaana u fasirtay in ay noqon karto sababo caafimaad oo madaxweynuhu uu dalka dibaddiisa ugu maqanyahay.
Mudada oggolaanshaha dastuurka Puntland ee madaxweynuhu uu dalka ka maqnaan karo ayaa xaddidan, iyadoo marka loo eego maqnaashaha madaxweyne Deni ay aad uga badantahay inta dastuurku uu fasaxayo.
Haddaba si aan arrintaas maqnaashaha madaxweynaha Puntland wax uga ogaanno waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, isaga oo ugu horreyn sharraxaad ka bixiyay sida ay u socdaan howlaha maamulka ee haatan iyo hadal heynta ka dhalatay maqnaashiyaha madaxweynaha Puntland.
Wasiirka oo aan ugu horreyn aan weydiinnay waalaca ka dhashay maqnaashiyaha madaxweynaha ayaa yiri: “Ma aha in aad tiraahdaan walaac ayaa ka dhashay arrintaas… madaxweyne kuxigeenka ayaa jooga oo ah kusimaha madaxweynaha,”.
Puntland oo muran ka dhashay doorashooyinka uu taagnaa bilooyinkii u dambeeyay ayuu sheegay in maamulku wado shaqooyinkii lagu qaban lahaa doorashooyinkaas. Wuxuu carrabka ku dhuftay in xisbiyada oo dhawaan ku tartamay doorashooyinka golaha deegaanka ay shaqadooda wataan oo aysan madaxweynaha waxba uga xirnayn.
Balse waxaan mar kale way diinay waxa sababay in mudadada intaa la’eg uu madaxweynuhu ka maqnaado magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.