Home Wararka Maanta ATMIS oo Aqbashay Codsigii uga Yimid Madaxweyne Xasan shiikh

ATMIS oo Aqbashay Codsigii uga Yimid Madaxweyne Xasan shiikh

0

Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsgii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS

Waddamadan oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixitaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Ad
Previous articleAlshabaab Qaraxyo aasaayay oo lagu laayay Duleedka Degmada Xarardheere
Next articleDani oo muddo ka badan afartan maalmood ka maqan Puntland iyo Halka uu ku Maqanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here