Home Wararka Somaliya Dani iyo Axmed madoobe oo la kulansan Midowga Musharaxiinta

Dani iyo Axmed madoobe oo la kulansan Midowga Musharaxiinta

0

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilligan shir la leh Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo shirkan uu ka socdo xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay degan yihiin labada Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Wararka ayaa sheegaya in shirarkan ay qeyb ka yihiin shirar gaar gaar ah oo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka bilaabeen Muqdisho, tan iyo markii ay yimaadeen, iyagoo dhageysanaya tallooyinka iyo fikradaha Musharaxiinta iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashada, xiisadihii ka dhacay magaalada 19 February iyo sidii caqabadaha ka jira doorashada xal looga gaari lahaa.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah amniga doorashada oo tan iyo wixii ka dambeeya wixii dhacay 19 Febraayo ay keentay kalsooni darro, taasoo sabab u noqotay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland shuruud ku xiraan ka qeyb galka shirka Muqdisho, ayna dalbadaan in meel amni ah shirka lagu qabto oo ay sugto AMISOM.

Ad
Previous articleWar deg deg ah:- Dowlada Kenya oo ka baxday Dacwada Bada Somaliya
Next articleArday Galmudug ka soo jeeda oo Helay Waxbarasho Turkiga ah