Home Wararka Maanta Danab oo War kasoo saartay Saraakiil ugu Dhimatay Dagaalka laasacaanood

Danab oo War kasoo saartay Saraakiil ugu Dhimatay Dagaalka laasacaanood

0

Ciidamada Danab ee Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan warar dhowaanahan qabsaday baraha bulshada oo ku aaddan sakaal horey uga tirsanaa Danab oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Maxamed Suleymaan, oo soo noqday taliyaha ururka afaraad ee Danab, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku dhintay dagaal duleedka Laascaanood ku dhex-maray ciidamada deegaanka iyo kuwa maamulka Somaliland.

Taliyaha Danab, Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa sheegay in Maxamed uusan wax xil ah ka heyn Guutada Danab, markii uu ku dhintay dagaalka Laascaanood, islamarkaana Danab uu 2011 uga tegay sababo shaqsi.

“Waxaan xaqiijin karnaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn Guutada Danab ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii nasiib darro uu ku dhintay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu yiri.

Beeryare ayaa sheegay in hadafka koowaad ee Danab uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagixisada ee gudaha Soomaaliya.

“Waxaan rabnaa in aan carrabka ku adkeyno in Danab ay si buuxda uga go’an tahay ujeeddadaas oo aysan geli doonin wax dagaal beeleed ama arrimo la xiriira qabiil,” ayuu yiri taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare.

“Waxaan rajeyneynaa in bayaankan uu meesha ka saari doono isfaham waaga jira, islamarkaana uu cadeynayo doorka Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Hadalka Beeryare ayaa xoojinaya mid horey uga soo baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka ee qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo weerar Qaraxyo Ku bilowday ku Qaaday Degaanka Ruunirgood
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo Mudo kadib Dib ugu Laabtay Hiiraan Iyo Dagaal La dhan Alshabaab oo uu Markale Hogaamin Doono(Sawiro)