Home Wararka Caalamka Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

0

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaana saacado kahor wadahadallo la xiriira dagaalka Ukraine la qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxyaabaha ay kawada hadleen ayaana qeyb ka ahaa in aan la burburin kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine.

Wadahadalka labada Madaxweyne kaddib ayaa la sheegay in ay dhaceen duqeymo culus oo ay is dhaafsadeen Ruushka iyo Ukraine, kuwaa oo lagu burburiyay kaabayaal dhaqaale ay lahaayeen labada dal.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa uuna tilkaamay kaabayaasha dhaqaale ee la beegsaday ay kamid yihiin, isbitaallo ku yaala Sumy iyo xarunta bixisa adeegga korontada ee Slovyansk.

Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu sababay dab ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Krasnodar.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleFuruumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan
Next articleMaxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci