Home Wararka Maanta Dal Afrika ah oo dhamaan diblumaasiyiintiisa kala soo baxaya Israa’iil

Dal Afrika ah oo dhamaan diblumaasiyiintiisa kala soo baxaya Israa’iil

0

Koonfur Afrika ayaa sheegtay, inay u yeereyso dhamaan diblumaasiyiinteeda ku sugan magaalada Tel Aviv, kadib weerraradii xaga cirka ahaa oo ay Axadi Israel ku qaaday qasa.

Duqeyntaas ayaa ahayd mid kamid ah weraradii ugu cuslaa ee ay Isarel fuliso tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka muddo bil ah ka hor.

Sida laga soo xigtay isbitaalka Al-Shifa ee Qasa, ku dhowaad laba boqol oo qof ayaa ku dhintay duqeyntaasi.

Dowladda Koonfur Afrika, oo in muddo ah taageereysay Falastiiniyiinta ayaa si adag u cambaareysay Israel.

Koonfur Afrika ma aha dalka keliya ee u yeertay diblumaasiyiintooda ku sugan Israel, balse waxaa tallaabo taa la mid ah hore u qaaday dalalka kala ah Chad, Chile iyo Colombia.

Ad
Previous articleGargaarkii ugu Horeeyey oo Maantay Loo Diray Gobalka Gedo Xiki Xaalad Cakiran Ka Taagantahay
Next articleYoutuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka qodayo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here