Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaalkii Caad: ‘Indhayga ayaan ku arkay baabuur gubaneysa iyo dad dhintay’

Dagaalkii Caad: ‘Indhayga ayaan ku arkay baabuur gubaneysa iyo dad dhintay’

0

Maalintii Arbacada ayaa ururka al Shabaab waxay weerar ku soo qaadeen xeerooyina ay deganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ku yaalay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Weerarkaas ayaan faahfaahin sidaas u badan laga bixin tan iyo shalay. Warbaahinta iyo dawladda ayaan soo bandhigin xogo qeexaya sida ay wax u dhaceen. Balse BBC da ayaa la hadashay dad goobjoogayaal ah iyo iskar ku sugneed xerada.

Cali Axmed, waa askari ka tirsan kuwa dadka deegaanka – Macwislysa – isaga oo ku sugnaa mid kamid ah shan xero oo ay weerareen ciidamada al Shabaab. Wuxuu BBC da u sheegay in xilli ay isku diyaarinayeen salaadda subax ay ka war heleen dhawaqa qarax xoogan ku bilowday halkii ay sugnaayeen.

“Waxay wateen qaraxyo aad u tiro badan, intii cabaar ah xabado ma aysan ridin ee qaraxyo ayay nimankaan ku dagaalamaayeen”, ayuu BBC da u sheegay Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo saaxiibadiis ay bilaabeen in ay iska caabiyaan weerarka, maadaama mar walba ay filanayeen weerar uga yimaada dhinaca ururka ay la dagaalamayaan.

“Xaalkeenu wuxuu noqday inaan dagaalano oo iska caabino. Waan dagaalanay, waanan iska celinay inta aan iska celin karnay,”

Dagaalku markii uu socda dhawr saacadood, ayuu sheegay in ay goobta isaga Baxeen Sidoo kale ururka al Shabaab, dhankooduna ay dib uga gurteen goobta.

Caad oo ah tuulo yar oo sanado badan ay ku noolaayen dadka deegaankeeda ayaa dhawaan lagala wareegay al Shabaab, taas oo sababtay in dadkii deganaa intooda badan ay isag qaxeen waqtigaan ay socdaan dagaaladu.

Maxamed Cabdiraxmaan (ma ahan magaciisa dhabta ah), waxa uu kamid yahay dadka deegaanka ee horay uga qaxay tuulada Caad. waxa uu u sheegay BBC da in ay waabarigi Arbacadii ay ku baraarugeen dhawaq xoogan oo ka soo garay dhinac tuuladii ay ka soo qaxeen oo xaalkeedu daganaa maalmihii ugu dambeeyay.

“Salaad-tukadkii ayaan maqalnay rasaas gurdan ah. Annaga wax yar ayaan u jirnay, dad deegaanka ah oo magaalada ka sii qaxayay ayaa waxay noo sheegeen in ay meesha ku soo kalaheen ururka al Shabaab,” ayuu BBC da u sheegay Maxamed.

Maxamed ayaa BBC da u sheegay in markii ay rasaastu joogsatay kadib uu aaday dhinaca magaalada, si uu usoo arko waxa ay ku dambeyaan dadkii yaraa ee ku haray tuulada ee uu garanayay.

“Baarbuur gubaneysa indhaheyga ayaan ku arkay, dad mayd ah waan akay iyo magaaladii oo cidlo ah,” ayuu yiri Maxamed oo dib u xasuusanaya wixii uu ku arkay gudaha tuulada. “Afar baabuur oo gubaneysa oo mid B.G yahay, midna babauur Cabdibile ah yahayna waa arkay.”.

Dhinaca qorax u dhaca tuulada ayuu sidoo kale sheegay inuu ku arkay baabuur nuuca lagu daabulo ciidanka ah oo gubanaya. Si madax banaan uma xaqiijin karno, balse wuxuu sheegay in uu u maleynayo in gaarigaasi ahaa kuwa ay isticmaalaan ciidmada Gorgor.

Maxamed ayaa sheegay in dad qaraabadiisa ah oo qaxay aan ilaa iyo haatan meelna lagu sheegin, maadama ay wali isgaarsiintu ka maqan tahay qaybo kamid ah aagga ay wax ka dhaceen,

Waqtiga uu ila hadlayay ayuu ii sheegay in uu joogo deegaan kale si uu u helo is gaarsiin uu kal hadlo dadkiisa.

Dawladda Soomaaliya ayaan wax faafaahin dheeri ah ka bixin sida ay wax uga dhaceen xerooyinka ay weerareen al Shabaab. Isku day badan oo aan sameynay aynaan ku gulaysan inaan jawaab ka helno dhinac dawladda.

Balse war lagu soo daabacay warbaahinta dawladda ayaa lagu sheegay in 70 kamid ah dagaalamayaasha al Shabaab lagu dilay goobta.

Al Shababa ayaa war ay soo saareen dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen daraasiin ka mid ah ciidmadii halkaas ku sugnaa.

Cali, ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadii uu ka tirsabaa ay haatan ku sugan yihiin meel banaanka ka ah tuulada Caad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Ad
Previous articleWararkii ugu Dabeeyey Xiisadda Somaliland oo dib usoo laba kacleysay
Next articleKu dhowaad boqol qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku dumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here