Home Wararka Somaliya Dagaalka Gobolka Mudug oo guul ku dhow hadii aysan Dowlada joojin

Dagaalka Gobolka Mudug oo guul ku dhow hadii aysan Dowlada joojin

0

Dagaal ayaa ka socda Koonfurta Gobolka Mudug halkaasi oo kooxda Shabaab ay isku baheesteen in mudo ah iyadoo si fudud looga saari karo guud ahaan deegaankaasi.

Xaalka Shacabka Galmudug ayaa is badalay markii la arkay Shabaab oo ku dhex sugan Deegaanka Wisil waxana markaasi kadib bilowday Dagaal xoogan oo lagu qaaday kooxda Shabaab.

Bahda mudug24 oo tabineysa Dagaalkan maalmihii u danbeeyay ayaa dhanka kale waxay eegeysaa sida loogu dhowyahay guusha madama uu dagaalka yahay mid si wadajir ah u qaadeen Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada.

Deegaanada ilaa hada uu dagaalka ka dhacay ayaa shabaab si fudud loogala wareegay taasi oo muujineysa sida kooxdan aysan awood badan ugu laheen deegaanka isla markana looga saari karay halkaasi goor hore.

Hadaba Dagaalka socda hada waxaa laga cabsi qabaa in dowlada Somaliya ay culees saarto madama xubno kamid ah Shabaabka la aamisanyahay in Awood badan ku leeyihiin Dowlada isla markana u suura gali karto in dagaalka si un loo hakiyo.

miyey dhici kartaa in Dagaal dhaliyaro intaasi la eg ku nafwayday si fudud loo hakiyo isla markana loo joojiyo iyadoo Deegaanada badankooda ay ka maqanyihiin gacanta Maamulka.

Fakarkaga xaga hoose noogu reeb.

Mudug24 Gaalkacyo

Ad
Previous articleDalka Koonfur Africa oo Labo Wiil Walaabo ah midna lagu dilay midna lagu dhaawacay
Next articleMareykanka oo Wax ka badalay Sharciga Somalida ku nool Wadankaasi ee KMG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here