Home Wararka Maanta Dagaalka Baardheere oo lagu dilay Guddoomiyahii Arrimaha bulshada degmadaasi

Dagaalka Baardheere oo lagu dilay Guddoomiyahii Arrimaha bulshada degmadaasi

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay waabarigii hore ka bilaawday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay degmada Baardheere waxaa ku dhintay guddoomiyihii arrimaha bulshada degmadaas ee dowladda Federaalka dhawaan ay u magacawday oo lagu magacaabo Maxamed Ilyaas Caagane  iyo labo ruux oo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jiraan dhaawacyo kala gaaray askarta labada dhinac oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan.

Dagaalkaan khasaaraha kala duwan geystay ayaa imaanaya, iyadoo Shalay ciidamada maamulka Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta maamulka degmada Baardheere oo gacanta ku hayeen mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Fedaraalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBarlamaanka Turkiga oo Sanad ku Korshiyay Hawlgalkiisa Somaliya iyo Gacanka Cadan
Next articleMagaalada Jigjiga 28 Gabdhood oo laga helay Cururka HIV AIDS kuwaasi oo Jaariyad ahaa