Home Wararka Maanta Dagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho

0

Ciidamo Millatari ah oo la socday masuuliyiin ka qeybgaleysay xilwareejin ka socota Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ee u dhow isgoyska Jubba iyo Nabad Sugidda ilaalada ka haya Habar-Qadiijo ayaa isku dhacay waxaana dhexmaray dagaal kooban.

Xiisadda ayaa ka bilaabatay markii ciidamada Millatariga oo watay labo Cabdi Bile ay diideen in wadda ay baneeyaan oo ku koobnaadaan Wasaaradda ayaa Nabad Sugidda waxa ay wacdeen gurmad.

Durba waxaa goobta yimid dhowr Cabdibile NISA Ah oo ay saarnaayeen ciidamo aad u hubeysan kuwaas oo hubka ka dhigay Millatariga diidanaa in waddada ay baneeyaan.

Xaalka ayaa hadda dagan, waxaana arintaan ku baxay masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Ad
Previous articleToogasho Dad Badan ku Dhinteen oo ka dhacday xaflad aroos ah oo ka socotay duleedka Afgooye
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here